Tababarka Tacriifada Korontada oo loo Furay Shaqaalaha Komishanka Nidaaminta Korontada JSL.
Hargaysa
16-05-2026 Sabti
Waxaa maanta Hoolka Komishanka Nidaaminta Korontada JSL ka qabsoomay kulan iyo tababar ku saabsan dib-u-eegista tacriifada korontada, kaas oo uu Bixinayay La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha Ee komishanka Nidaaminta Korontada JSL Fu’aad Rashiid Balluu, isla markaana uu ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Nidaaminta Korontada Eng. Khader Maxamuud Guuleed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray fahamka habraacyada tacriifada korontada, qiimeynta heerarka adeegga, iyo sidii loo heli lahaa nidaam qiimeyn oo cadaalad ah kana waafaqsan xaaladaha dhaqaale iyo baahiyaha bulshada.
Labada mas'uul ayaa sido kale Shaqalaaha ku xoojiyay muhiimadda ay leedahay nidaaminta iyo kor u qaadista tayada adeegyada korontada.
Allaa Mahad Leh.
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War Is Gaadhsiinta.