Gudoomiyaha Komishanka Tamarta JSL M.D Xasan Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo uu wehelinayo Agaasimaha guud ee Komishanka Tamarta M.D Maxamed Maxamuud Cabdi Malow ayaa maanta Xaruunta Hoolka Komishanka ka furay kulanka wada-tashiga Xeer-nidaamiyaha Farsamo-yaqaanada korontada iyo Hagaha koronto gelinta.
 
Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen dhamaan daneeyayaasha iyo Xirfad layaasha Aagga Tamarta Somaliland waxaana kulankaasi lagu lafo guray Xeer-nidaamayaha ka soo qayb-galayaashuna waxay la wadaageen aragtidooda.