20-04-2026 Isniin.
Kullanka Soo dhawaynta iyo Is barashada Mas'uuliyinta cusub ee Komishanka Nidaaminta Korontada JSL.
 
Kullan uu shir guddoominayay, Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Cabdi Cige Axmed(Good) ayaa saaka ka dhacay Xafiiska Komishanka. 
 
Kulankaasi oo u jeedadiisu daarnayd is barashada iyo soo dhawaynta Mas'uuliyiinta iyo Shaqaalaha Xafiiska, Madashaas oo ay Lataliyayaasha,Agaasime waaxeedyada iyo dhamaan Shaqaale waynaha Xafiisku si diiran ugu soo dhaweeyen Madaxda Kala duwan ee xafiiska.
 
Guddoomiyaha waxa kulankaasi ku wehelinayay Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Mudane Iid Saleeban Cali Jaamac, Xubnaha Guddida nidaaminta Korontada JSL iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Eng Maxamed Axmed Ibraahin(Arnab).
 
Allaa Mahad Leh
 
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War is Gaadhsiinta ee KTS