Shirka todobaadlaha ee ay iskugu yimaadaan Masuuliyiinta Komishanka Tamarta Somaliland iyo Agaasime waaxeedyada Komishanka Tamarta ayaa saaka qabsoomay .

Shirkan oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha komishanka Tamarta Somaliland Mudane Axmed Faarax caddare waxaana ku wehelinayay Gudoomiye ku xigeenka komishanka Tamarta Mudane cabdibdirisaaq Maxamed Cumar , Agaasimaha Guud ee komishanka Tamarta Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) iyo Agaasime Waaxeedyada komishanka Tamarta.

Kulankan oo warbixinno lagaga dhagaystay dhamaan agaasima waaxeedyada komishanka layskagana xog waraystay shaqooyinka baaxadda leh ee uu komishanku qaranka u hayo, sidii loo dhamaystiri lahaa Qorshahii komishanka iyo Dardargalinta Shaqada Qaranka komishanku u hayo.