
War-Saxaafadeed Muhiim Ah.
Taar: 01/06/2026Ku: Shirkadda Indho Power
Og: Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland
Ujeedo: Diidmada Korodhka Qiimaha Korontada
Mudane,
Komishanka Nidaaminta Tamarta JSL wuxuu bulshada iyo Shirkadda Indho Power ku wargelinayaa in korodhkii qiimaha korontada ee shirkaddu ku dhawaaqday, kaas oo ahaa in halkii Unit aad ka dhigteen $0.65, uu yahay mid aan sharci ahayn isla markaana uu Komishanku si rasmi ah u diiday.
Komishanku wuxuu caddeynayaa in qiimaha rasmiga ah ee korontada ee ay ansixiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Komishanka Nidaaminta Tamartu uu yahay $0.59 halkii Unit, mana bannaana in macaamiisha laga qaado qiime ka sarreeya intaas.
Sidaas darteed, tallaabooyin sharci ah ayaa laga qaaday shirkadda si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta xeerarka iyo go’aannada tamarta dalka. Bulshada waxaa lagu wargelinayaa in aanay bixin karin wax ka badan $0.59 halkii Unit, isla markaana ay soo gudbiyaan cabasho kasta oo la xidhiidha qiime ka baxsan kan rasmiga ah.
Allah Mahad leh
Abdifatah Kaarto
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo War Is Gaadhsiinta Ee KTS.
Abdifatah Kaarto
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo War Is Gaadhsiinta Ee KTS.
