
Kullanka Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta JSL uu kaga qayb-galay Shirka Sannadlaha iyo Shirwaynaha Guud ee African Forum for Utility Regulators (AFUR)
Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta JSL Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi Malow ayaa ka qayb-galay Shirka Sannadlaha iyo Shirwaynaha Guud ee African Forum for Utility Regulators (AFUR) oo lagu qabtay magaalo Xeebeedka Swakopmund, ee Dalka Namibia.Kulankan muhiimka ah, oo ay martigelisay Haay'adda Korontada Dalka Namibia Electricity Control Board Namibia, waxa uu isu keenay Madaxda haay’adaha Nidaaminta utility ga, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo Deeq-bixiyayaasha ee qaaradda Afrika si ay u wadaagaan aqoontooda, una xoojiyaan iskaashiga dhexdooda , isla markaana u horumariyaan mustaqbalka nidaaminta adeegyada Utility ga Sida Tamarta, Biyaha Iyo Transportation ka iyada oo laga faaidaysanayo Doorka Hal-Abuurka Technology ga ee Nidaaminta.
Shirkaas oo uu Agaasimaha Guud kula kulmay Madaxda AFUR iyo Madax kale oo Ka socday Hay'adda Tamarta Africa.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta Ee KTS.
