Nidaaminta Mitirka Saacadaha (Energy Metering)
Hargaysa
14-05-2026 Khamiis
Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Tamarta JSL Mudane Cabdi Cige Axmed (Good), oo ay weheliyaan xubnaha Guddida Nidaaminta Tamarta JSL, la-taliyayaasha Komishanka Nidaaminta Tamarta, iyo Agaasimaha Waaxda Tamarta Eng. Khadar Maxamuud Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada soo dejisa saacadaha mitirka korontada (Energy Metering).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaaminta iyo tayaynta qalabka mitirrada korontada ee dalka la keeno, si loo hubiyo in ay waafaqsan yihiin Xeerka Mitirka Saacadaha ee ee uu dejiyey Komishanka Nidaaminta Tamarta JSL.
Waxa kale oo kulanka lagaga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in bulshada loo helo qalab lagu kalsoonaan karo, isla markaana gacan ka geysta hufnaanta cabbirka isticmaalka korontada.
Guddoomiyaha Komishanka iyo masuuliyiintii kale ee kulanka hoggaaminaysay ayaa ganacsatada ku adkeeyey inay keenaan qalab tayo leh oo buuxiya shuruudaha farsamo iyo nidaamyada uu dejiyey Komishanku, si loo ilaaliyo xuquuqda macaamiisha iyo tayada adeegyada korontada dalka.
Dhankooda, ganacsatada soo dejisa saacadaha mitirrada korontada ayaa soo dhaweeyey wada-shaqaynta iyo tilmaamaha ay bixiyeen masuuliyiintu, iyaga oo muujiyey diyaar u ahaanshaha inay la shaqeeyaan Komishanka si loo horumariyo adeegyada tamarta iyo nidaaminta qalabka korontada.
Iyada oo Gebagebadii, kulanka waxa lagu soo gunaanaday is-afgarad iyo in ay sii socon doonan Kullamada shaqo ee Noocan oo kale ah.
Allaa Mahad Leh.
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War Is Gaadhsiinta.