Kullanka Dardar Gelinta Waaxaha Cudduda Shaqaalaha iyo Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo War is Gaadhsiinta.

Hargeisa 
11-05-2026 Isniin
 
Kulan uu shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Eng Maxamed Axmed Ibraahim (Arnab), isla markaana uu ku wehelinayay Komishaneer Bashiir Cumar Geelle (Xidig), ayaa saaka ka dhacay xafiiska Agaasimaha Guud ee Komishanka Nidaaminta Korontada JSL. 
 
Ujeeddada kulankaasi oo ahayd in si qoto dheer looga doodo waxqabadka hadda socda iyo caqabadaha jira ee haysta labada waaxood ee muhiimka u ah shaqada komishanka, Waaxda Cududda Shaqaalaha iyo Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo War is Gaadhsiinta.
 
Qodobadii ugu muhiimsanaa ee kulanka lagu lafaguray:
• Qiimaynta heerka ay waaxyuhu gaadheen, shaqooyinka qabsoomay muddadii u dambaysay, iyo Meelaha u baahan in Si weyn loo dhiso.
 
• Horumarinta Waaxda Cududda Shaqaalaha; waxaa diiradda lagu saaray kor u qaadista tayada shaqaalaha, dhiirrigelinta shaqaalaha, iyo dejinta hannaan shaqo oo waxtar leh si loo kordhiyo wax-soo-saarka.
 
• Doorka Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Waxaa sidoo kale laga hadlay muhiimadda ay leedahay in bulshada si joogto ah loo gaadhsiiyo xogta iyo wacyigelinta la xidhiidha adeegyada korontada, siyaasadaha komishanka, iyo Shaqada uu Komishanku bulshada u hayo.
 
Gunaanadkii Kulanka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday talooyin iyo qorsheyaal lagu horumarinayo shaqada labada waaxood, iyada oo la adkeeyay muhiimadda:
• isla xisaabtanka,
• dardargelinta shaqooyinka,
• iyo in bulshada loogu adeego si hufan oo daahfuran.
Sidoo kale madaxdu waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la taageero waaxyaha si ay uga gudbaan caqabadaha jira una sii xoojiyaan waajibaadkooda shaqo.
 
 
Allaa Mahad Leh.
 
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War Is Gaadhsiinta.