Kullanka Hoos u dhigista Qiimaha Shidaalka si loo taageero Korontada Waddanka.

28 April 2026 Salaasa
 
Mas'uuliyiin Uu u horeeyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL M.D Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta M.D Axmed Cabdi Barre, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda M.D Jawhar Siciid Warsame, Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Cabdi Cige Axmed (Good), Maareeyaha Keydka Haamaha Shidaalka Qaranka M.D Maxamed Sidiiq Dhamme, Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Tamarta Mudane Iid Saleeban Cali, Xubnaha Guddida Nidaaminta Korontada JSL iyo Ganacsatada Soo dejisa Shidaalka.
Ayaa saaka xaruunta Guud ee wasaaradda Ganacsiga ku yeeshay kulan ay ujeeddadiisu ahayd in xal waara loo helo hoos u dhigista qiimaha shidaalka, si loo taageero korontada (laydhka) iyo guud ahaan adeegyada tamarta, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka warshadaha laydhka iyo adeegyada bulshada.
 
Waxaana Goobtaasi la isku afgartay in la dhiso guddi farsamo, kuwaas oo si gaar ah uga shaqayn doona sidii loo heli lahaa shidaal jaban oo joogto ah, si loo xoojiyo wax-soo-saarka laydhka, korna loogu qaado tayada adeegyada biyaha iyo warshadaha dalka.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Iyo War is gaadhsiinta Ee KTS.