Kullanka Dardar gelinta Hawlaha shaqo Ee Aaga Tamarta JSL.
Hargeisa
10-05-2026 Axad.
Kulan uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Cabdi Cige Axmed Good ayaa saaka ka qabsoomay hoolka xarunta Komishanka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo ee aaga tamarta, xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha iyo shirkadaha bixiya adeegyada korontada Iyo Is Xog Wareysi Guud.
Kulanka waxa Guddoomiyaha ku weheliyay Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Mudane Iid Saleebaan Cali, xubnaha guddida Komishanka Nidaaminta Korontada JSL iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Mudane Maxamed Axmed Ibraahim (Arnab).
Mas’uuliyiinta Komishanka ayaa shirkadaha korontada kula dardaarmay muhiimadda ay leedahay:
• In la dardargeliyo hawlaha shaqo ee la xidhiidha adeegyada tamarta.
• In bulshada loo fidiyo adeeg koronto oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana joogto ah.
• In la xoojiyo wada shaqaynta iyo isfahamka ka dhexeeya shirkadaha korontada iyo Komishanka.
• In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta kaabeyaasha tamarta iyo ilaalinta danaha macaamiisha.
Sidoo kale, masuuliyiintu waxay adkeeyeen in wada shaqayn dhab ahi ay muhiim u tahay horumarka adeegyada korontada dalka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in shirkaduhu u hoggaansamaan nidaamyada iyo tilmaamaha uu dejiyo Komishanka Nidaaminta Korontada JSL.
Allaa Mahad Leh.
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War is gaadhsiinta Ee KTS.