
Agaasimaha guud ee Komishanka Tamarta Qaranka Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) ayaa furay tabobar muddo 5 cisho ah socon doona oo lagu baran doono maaraynta ku salaysan natiijooyinka.
Agaasimaha guud ee Komishanka Tamarta Qaranka Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) ayaa furay tabobar muddo 5 cisho ah socon doona oo lagu baran doono maaraynta ku salaysan natiijooyinka (Result Based management).Agaasimuhu waxaa uu ka qayb-galayaasha kula dardaarmay in ay aqoonta ay bartaan ku dabaqaan shaqada.
Waxaana ka qayb qaadanaya shaqaale ka kala socda wasaaradda macdanta iyo Tamarta iyo komishanka tamarta JSL, ujeedka tababarkan ayaa ah in kor loo qaado xirfadaha iyo agabka wax lagu qorsheeyo, laguna kormeero, laguna qiimeeyo mashaariic ama barnaamijyo si wax ku ool ah, si loo xaqiijiyo natiijooyin la cabiri karo oo saamayn leh .
Tababarkan waxaa bixinaysa Amal Suleiman (Hagoog) oo ah la taliyaha shaqada iyo shaqaalaha ee world banka (Capacity Building Advisor , world Bank) ee komishanka Tamarta waxaana maalgaliyey mashruuca dib u habaynta korontada soomaaliland ee WB.