KU:- DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLLADA &
DEGMOOYINKA JSL =XARUMAHOODA=
KU:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL =HARGEYSA=
OG:- DHAMAAN SHIRKADAHA LAYDHKA DALKA JSL =XARUMAHOODA=
OG:- GUDOOMIYAHA KOMISHINKA TAMARTA JSL =HARGEYSA=
OG:- WASIIRKU-XIGEENKA W.ARR.GUDAHA EE ARR. AMNIGA=XARUNTA=
OG:- WASIIRKA W. TAMARTA IYO MACDANTA JSL =HARGEYSA=
OG:- MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND
UJEEDDO:- JOOJIN AMARKA QIIMAHA LAYDHKA EE LA KORDHIYEY.
TIXRAAC WARQADA KA SOO BAXDAY XAFIISKA GUDOOMIYAHA KOMISHANKA TAMARTA JSL/./ EE TIRSIGEEDU YAHAY/./KTS/XG/346/22/./ KUNA TAARIIKHEYSAN/./06/06/2022/./ UJEEDADEEDUNA TAHAY/./ FULINTA AMARKA HAKINTA QIIMAHA KORONTADA EE LA KORDHIYAY/./ DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLLADA & DEGMOOYINKA DALKA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND IYO TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA/./ WAXAA LA IDIN FARAYAA IN AAD JOOJISAAN QIIMAHA AY SHIRKADAHA LAYDHKU KU KORDHIYEEN BIILASHA BISHA MAY/./ISLA MARKAANA AY BIILASHA KU SOO DALACAAN QIIMIHII HORE/./HADDABA/./ WAXAAN IDINKU AMRAYAA/./IN SHIRKADA KU SOO DALACDA/./QIIMAHA KORADHKA/./ IN AAD TALAABO SHARCIGA WAAFAQSAN KA QAADAAN/./ ILAA AMAR DAMBE KA SOO BAXAAYO/./ ISLA MARKAANA WAA IN AY WARQAD OGGOLAANSHIYO AY KA HAYSTAAN/./WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL IYO KOMISHANKA TAMARTA JSL/./SIDAAS DARTEEDNA WAA IN AAD KU WARGELISAAN BULSHADA/./WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL/MAXAMED KAAHIN AXMED/./
ALLAA MAHAD LEH
MAXAMED KAAHIN AXMED
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL.
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
No photo description available.