
Komishanka Nidaaminta Korontada JSL oo Kullan la yeeshay Shirkadaha Korontada Dalka, Halka Shirkadda Indho Power ay Ka noqotay Qiimo Kordhinti Korontada.
Hargeysa- 02-06-2026 Salaasa.Komishanka Nidaaminta Korontada JSL oo Kullan la qaatay Shirkadaha Korontada Dalka, Halka Shirkada Indho Power- na Ka noqotey Qiimo Kordhintii Korontada.
Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka Nidaaminta Korontada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Iid Saleebaan Cali, oo ay weheliyaan xubnaha Guddida Nidaaminta Korontada JSL iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka, Mudane Eng. Maxamed Axmed Ibraahim (Arnab), ayaa saaka kulan muhiim ah la yeeshay shirkadaha korontada ee dalka ka hawlgala.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qiimo kordhintii ay dhawaan ku samaysay korontada Shirkadda Indho Power iyo saamayntii ay ku yeelatay macaamiisha adeegga korontada.
Intii uu kulanku socday, Shirkadda Indho Power waxay qiratay khaladkii ka dhashay qiimo kordhintaasi, iyada oo si rasmi ah u shaacisay inay ka noqotay go’aankaas. Sidoo kale, shirkaddu waxay ballanqaadday in dib-u-sixid lagu samayn doono dhammaan biilashii ku baxay qiimaha kordhinta, si macaamiishu u helaan xisaab-celin sax ah oo waafaqsan qiimihii sharciga ahaa.
Mas’uuliyiinta Komishanka Nidaaminta Korontada JSL ayaa kulanka ku adkeeyey shirkadaha korontada inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka, shuruucda iyo habraacyada nidaaminta adeegyada korontada, isla markaana aan wax isbeddel ah lagu samayn karin qiimaha adeegyada iyada oo aan la marin hannaan sharciyeedka u yaalla, Sido Kale Komishanku waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda macaamiisha, hufnaanta adeegyada iyo in shirkadaha korontadu ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo saamayn taban ku yeelan karta bulshada. Waxa kale oo uu ku boorriyey shirkadaha inay sare u qaadaan wada-tashiga iyo la-xisaabtanka marka ay jiraan arrimo khuseeya qiimaha iyo adeegyada ay bulshada u fidiyaan.
Ugu dambayntiina, Komishanka Nidaaminta Korontada JSL wuxuu caddeeyey inuu si dhow ula socon doono fulinta ballanqaadka ay samaysay Shirkadda Indho Power ee ku saabsan sixitaanka biilasha soo baxay.
ALLA MAHAD LEH.
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska xidhiidhka Dadweynaha Iyo War Is Gaadhsiinta Ee KTS.
