Mas'uuliyiinta Komishanka Nidaaminta Korontada JSL oo maalinti 2aad Kormeer shaqo ku sameeyey Shirkadaha Korontada Dalka.

07-June-2026 Hargeysa 
 
Mas’uuliyiinta Komishanka Nidaaminta Korontada Somaliland oo Kormeer ku Sameeyey Shirkadaha Sompower iyo Telesom
 
Mas’uuliyiinta Komishanka Nidaaminta Korontada Somaliland, oo uu hormuud u yahay Guddoomiyaha Komishanka, Cabdi Cige Axmed Good, ayaa maalintii labaad ee kormeerkooda shaqo ku booqday shirkadaha korontada ee ka hawlgala dalka, kuwaas oo ka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada korontada iyo tamarta ee Somaliland.
 
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd la socodka habsami u socodka adeegyada korontada, qiimaynta tayada adeegyada la siiyo bulshada, iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa Komishanka iyo shirkadaha adeegga bixiya.
Mas’uuliyiinta Komishanka ayaa intii ay booqashada ku jireen kulan la yeeshay maamulka iyo masuuliyiinta shirkadaha, iyaga oo ka xog-waraystay hawlaha ay qabtaan, qorshayaasha horumarineed ee aagga Korontada, iyo caqabadaha ka jira dhinaca adeegyada korontada.
 
Guddoomiyaha Komishanka, Mudane Cabdi Cige Axmed Good, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shirkadaha korontadu u hoggaansamaan xeerarka iyo nidaamyada lagu hagayo Korontada Dalka, si bulshada loo siiyo adeeg koronto oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana la isku hallayn karo.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Komishanka Nidaaminta Korontada Somaliland ku xoojinayo korjoogtaynta, tayeynta adeegyada korontada, iyo horumarinta hannaanka tamarta dalka.
 
Allaa Mahad Leh
ABDIFATAH KAARTO
Agaasimaha waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo War is Gaadhsiinta ee KNKS