Komishanka Tamarta JSL ayaa helay natiijada qiimayn iyo daraasayn ay ku sameeyeen Komishanka Maamul wanaagu Hannnaanka Maamul iyo shaqo ee Komishanka.

Komishanka Tamarta JSL ayaa helay natiijada qiimayn iyo daraasayn ay ku sameeyeen Komishanka Maamul wanaagu Hannnaanka Maamul iyo shaqo ee Komishanka.
Komishanka Tamarta JSL ayaa kulan uu ujeedkiisu ahaa sidii uu komishanka Maamul Wanaaggu ula wadaagi lahaa natiijada kasoo baxday baadhis iyo dersid uu ku sameeyey  hanaanka maamul wanaag la yeeshay  xubnaha Komishanka Tamarta oo uu hormuud u yahay Guddoomiyaha Komishankaasi Axmed Faarax Caddare.
Natiijadan ka soo baxday baadhistan ay sameeyeen ayaa ahayd mid ay tallooyin ugu jeediyeen  Komishanka Tamarta, tallooyinkaas oo la xidhiidhay in la saxo wixii galdaloolooyin ah iyada oo Komishanka Maamul Wanaagu ku daba gali doono fulinta maamul toosintaa.