
Kormeer ay ka Sameeyeen Mas'uuliyiinta Komishanka Nidaaminta Korontadu suuqa Waaheen ee Caasimadda Hargaysa
Hargeysa, 4 June 2026– Mas’uuliyiinta Komishanka Nidaaminta Korontada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka Mudane Cabdi Cige Axmed (Good), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Suuqa Waaheen ee caasimadda Hargeysa.
Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada Komishanku ku xaqiijinayo badqabka korontada iyo u hoggaansanaanta xeerarka iyo habraacyada nidaaminta korontada. Weftiga kormeerka ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka Mudane Iid Saleebaan Cali, Agaasimaha Guud Mudane Eng. Maxamed Axmed Ibraahim (Arnab), iyo xubno ka tirsan shaqaalaha Waaxda Nidaaminta Korontada.
Intii uu socday kormeerku, masuuliyiintu waxay qiimeeyeen xaaladda badqabka korontada ee Suuqa Waaheen, iyaga oo u kuurgalay hababka loo maamulayo adeegyada korontada iyo heerka ay ka marayso hirgelinta tallaabooyinka lagu sugayo badqabka shacabka iyo hantidooda.
Sidoo kale, masuuliyiinta Komishanka ayaa booqday xafiiska Shirkadda Indho Power, halkaas oo ay kula kulmeen masuuliyiinta shirkadda. Kulankaas ayaa lagaga wada hadlay habsami u socodka adeegyada korontada, tayada adeegga la siiyo macaamiisha, iyo hirgelinta dib-u-sixidda lagu sameeyey qiimaha korontada.
Komishanka Nidaaminta Korontada JSL ayaa sii wada kormeerro iyo dabagal joogto ah oo lagu xaqiijinayo badqab, tayo iyo hufnaan ka jirta adeegyada korontada ee dalka.
Allaa Mahad Leh
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka dadweynaha Iyo War is Gaadhsiinta Ee KNKS
Allaa Mahad Leh
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka dadweynaha Iyo War is Gaadhsiinta Ee KNKS
