
Kullanka Guddida Hoos u dhigista Qiimaha Shidaalka Si loo taageero Adeegyada Korontada, Biyaha iyo Adeegyada kale ee Bulshada
Hargaysa06-05-2026 Arbaca
Guddoomiye ku Xigeenka Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Iid Saleebaan Cali oo ay Weheliyaan La taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Komishanka Fu'aad Rashiid Balluu iyo Agaasimaha waaxda Tamarta ee Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Eng Khadar Maxamuud Guuleed.
Ayaa saaka Ka qeyb galay Kullanka Guddida Hoos u dhigista Qiimaha Shidaalka si loo taageero Korontada, Guddidaasi oo ka koobnayd Mas'uuliyiinta Komishanka Nidaaminta Korontada JSL, Mas'uuliyiinta Wasaaradda Tamarta & Macdanta, Mas'uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga & Dalxiiska, Mas'uuliyiinta Keydka Haamaha Shidaalka Qaranka iyo Ganacsatada Soo Dejisha Shidaalka.
Kullan kani oo uu shir Gudoominayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Dalxiiska JSL, Mudane Jawhar Siciid Warsame, Ayaa ka qabsoomay Xafiiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Waxaana uu kullanku ahaa Is Aragii Kowaaad Ee Guddida Hoos u dhigista Qiimaha Shidaalka sare u kacaya si Loo taageero Korontada/Laydhka Waddanka iyo Guud ahaan adeegyada Tamarta kuwaas oo laf dhabar u ah Horumarka Warshadaha laydhka iyo Adeegyada Bulshada JSL.
Ugu dambayntina guddidu waxa ay Isla Af garteen sidi ay uga shaqayn lahaayeen in la helo shidaal jaban kaasi oo laf dhabar u ah Dhamaan Wax soo saarka Tamarta isla markaana kor loogu qaado Tayada Adeegyada Kale ee Warshadaha Dalka iyo Biyaha.
Allaa Mahad Leh.
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo War Is Gaadhsiinta Ee KTS.
