
Kullanka Waaxda Nidaaminta Tamarta
Hargaysa14-05-2026 Khamiis
Kulan ay Shir Guddoominayeen Komishaneer Siciid Cabdiraxmaan Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Nidaaminta korontada JSL M.D Eng Maxamed Axmed Ibraahim (Arnab) ayaa subaxnimadi saaka ka qabsoomay Xafiiska Agaasimaha Guud ee komishanka.
Kulan-kaasi oo ujeeddadiisu ahayd dardar-gelinta hawlaha shaqo ee waaxda nidaaminta korontada, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta habsami-u-socodka shaqada, dedejinta fulinta qorshayaasha waaxda, iyo kor u qaadista tayada adeegyada korontada.
Masuuliyiinta iyo shaqaalaha waaxda ee ka qaybgalay kulanka ayaa ka wada hadlay caqabadaha jira iyo hababka lagu horumarin karo nidaaminta korontada,
Komishaneer Siciid iyo Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyey shaqaalaha:
• In la laban-laabo dadaalka shaqo iyo masuuliyadda.
• In la dedejiyo hawlaha mudnaanta leh ee waaxda horyaalla.
• In la xoojiyo wada-xidhiidhka iyo isla xisaabtanka shaqaalaha.
• In bulshada loo xaqiijiyo adeeg koronto oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana joogto ah.
Gebagebadii, kulanka waxa lagu soo gunaanaday is-afgarad iyo go’aanno lagu horumarinayo shaqooyinka waaxda, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay wadajir iyo hufnaan shaqo.
Allaa Mahad Leh.
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War Is Gaadhsiinta.
