Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Daah-furay shirwaynaha Labaad ee madasha dhaqaalaha dalka. Hargaysa-14-Oct-2023

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Daah-furay shirwaynaha Labaad ee madasha dhaqaalaha dalka.
 
Hargaysa-14-Oct-2023 Madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si Rasmi ah u daah-furay shirwaynaha labaad ee madasha dhaqaalaha heer qaran oo maanta ka bilaabmay magaalada hargaysa isago socon doona ila maalinta berri ah.
 
Shirwaynahan oo u jeeddadiisu ahayd sidii talooyin dhaxal gal ah oo wax ka Tara caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira loo soo saari laha , islamarkaasna lagu marti qaaday Khubaro dhaqaaale, ayaa madaxwaynaha waxa kala qaybgalay xubno ka mida wasiirrada ,agaasimayaal ka socday hay'adaha kala duwan ee dalka, Khubaro dhaqaalaha ku xeeldheer, diblomaasiyiin iyo marti-sharaf kale oo Tira badan, waxaana lagu lafo guray sidii dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi lahaa.