Safar shaqo oo daarna u kuur gelidda xaaladaha koronto ee Magaalooyinka Borama iyo Dila

Wafti uu hogaaminaayay Agaasimaha waaxda Tamarta ee Komishanka Tamarta JSL Eng Khadar Maxamuud Guuleed oo ay weheliyaan Engineerada waaxda Tamarta ayaa safar shaqo oo ay ku tegay Gobolka awdal gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo dila.
 
kaasi oo daarnaa u kuurgalida xaaladaha koronto iyo Dardargalinta Hawlaha Liisamada Korontada ee shirkadaha bixiya adeega korontada ee magaaloyinkaasi.
 
 
Sidoo kale Agaasimaha waaxda ayaa shirkadaha ku adkeeyeey kor uqaadida Bedqabka korontada iyo xoojinta wacyigalinta xili roobadka.
 
Ugu dambayntiina agaasimaha waaxda oo ay weheliyaan Injineeradu ayaa kormeer ku tagay Xarumaha dab dhalinta iyo Laymanka koronto ee labada shirkadood (Awdal Electric Company iyo Dila Electric Company)
 
Allah Mahad-leh 
Abdifatah Kaarto
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Warbaahinta ee KTS.