Safar Shaqo oo uu Hogaaminayo gudoomiyaha Komishanka Tamarta JSL M.D Xasan Sheikh Maxamuud

Gudoomiyaha Komishanka Tamarta Hassan Sh. Maxamuud Suufi, agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Maxamed Cismaan Siciid, Agaasimaha guud ee Komiishanka Tamarta Mahamed Maxamuud Cabdi iyo wefti ka kooban 8deed agaasime waaxeed oo isugu jira Wasaaradda tamarta iyo Macdanta iyo Komiishanka Tamarta
 
oo safar shaqo u jooga dalka Ugandha caasimadda Kambala ayaa maanta kulan kula qaatay Madaxda Hayadda Tamarta Dalka Uganda (Uganda Electricity Regulatory Authority “ERA”) Sidoo kale Kulanka waxaa qayb ka ahaa Patrick Mwesige oo world bank ka kasocday. Kulankaas oo lagaga wada hadlay xaaladda korontada labada wadan iyo sidii looga wada shaqayn iskaashi dhinaca Tamarta ah.