
Sawiradda Kullanka Lafagurka Xeer Maamulka Korontada JSL.
Hargaysa13-05-2026 Arbaca
Kulan uu shir-guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Iid Saleeban Cali, isla markaana ay ku wehelinayeen Xubnaha Guddida Nidaaminta Korontada JSL,
• M.D Garyaqaan Mawliid Muuse Cismaan(Dacar)
• M.D Eng Axmed Cismaan Axmed
• M.D Bashiir Cumar Geelle (Xidig)
• M.D Bashiir Muxumed Cumar (Xayd)
• M.D Siciid Cabdiraxmaan Maxamed
Iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Mudane Eng Maxamed Axmed Ibraahim (Arnab) ayaa saaka ka Qabsoomay xafiiska Guddoomiye ku Xigeenka Komishanka Nidaaminta Korontada JSL.
Ujeedada Kulan kaasi ayaa ahayd mid muhiim ah oo ay xubnaha guddidu si qoto dheer ugu lafagureen xeerka lagu aas-aasay Komishanka Nidaaminta Korontada JSL, iyaga oo diiradda saaray cutubyada, qodobbada iyo farqadaha uu xeerku ka kooban yahay, Si loo hubiyo in xeerku si cad u qeexayo waajibaadka, awoodaha iyo habraacyada uu komishanku ku shaqayn doono.
Intii uu socday kulanku, xubnaha guddidu waxay yeesheen latashi iyo dood cilmiyeed ku saabsan sida xeerku uga jawaabayo baahiyaha dhinaca nidaaminta adeegyada korontada.
Waxaana Xeerka ku soo bandhigay Kulanka Komishaneer Garyaqaan Mawliid Muuse Cismaan (Dacar), isaga oo Faaleeyey, falanqeeyey lafa gurayna xeerka.
Ugu dambayntu Waxa la isla qaatay in wax iska waydiinta Xeerku ay noqon doonto mid sii socon doonta iyada oo lala tashanayo Garyaqaanada.
Allaa Mahad Leh
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War Is Gaadhsiinta.
