Kulanka Komishanka Tamarta Qaranka iyo Wakaalada Biyaha Hargeisa

Kulan dhex maray Komishanka Tamarta Qaranka iyo Wakaalada Biyaha Hargeisa oo ka dhacay Hoolka SHirarka Wakaalada ayaa Waxa ay Labada Hayadood kaga Wada Hadleen Iskaashiga iyo Wada Shaqaynta ku Aaddan Hawlaha ka Dhexeeya labada Hayadood.

kulankan oo Daarranaa isxog-waraysi iyo Ibo-furka Kulamo Danbe oo Lagaga Wada Hadli Doono Danaha Labada Dhinac ee Khuseeya Isticmaalka iyo ka Faa'idaysiga Adeegyada Dhulka Hoostiisa (Underground Utilities) Sida Biyaha iyo Xadhkaha Korontada ee la Mariyo Dhulka Hoostiisa.
Kulanka oo uu Furay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeisa Mr. Mohamed Ali Daarood ayaa Soo Dhaweeyey Xubnaha ka Socday Komishanka Tamarta Qaranka oo uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Komishanku Eng. Ahmed Farah Cadare ayna Ku Wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Komishanka Mudane Mohamed Mohamoud Abdi Malaw, Komishaneer Khadar iyo Engineer Bashir Abdi Ahmed. Sidoo kale Gudoomiyaha Komishanka ayaa Ka Waramay Muhiimada ay Leedahay in La Sameeyo Kooxo Wada Shaqayneed oo ka Shaqeeya Maamulidda iyo Hagida Aagga Adeegyada Dhulka Hoostiisa, Isaga oo Sidoo Kale Carrabka ku Adkeeyey in ay Haboon Tahay in Sida ugu Suurtogalsan Loo Dadejiyo Dhisida Koox Wada Shaqayneed oo Ka Wada Shaqayn doonta Adeegyada Dhulka Hoostiisa Iyada oo Sidoo Kale la Gaadhi Doono Hayadaha Dawladeed ee Arintaasi ay Khusayso. 

Ugu Danbeyn Kulanka ayaa Kusoo Dhamaadey Is-afgarad iyada oo Labada Dhinac ay Ballan Qaadeen in ay Sii Wadi Doonaan Kulamada Caynkaas oo Kale ah si Looga Hortago Khataraha ka Dhalan kara Adeegyada La Mariyo Dhulka Hoostiisa isla Markaana Loo Gaadhi Lahaa Hayadaha Kale ee Dawladda ee ay Khusayso Maamulida iyo Hagida Adeegyada Dhulka Hoostiisa Maraa.