
Wafti uu Hogaaminayay Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Korontada JSL ayaa safar shaqo ku tegay magaalooyinka Cadaadley iyo Lafaruug.
Wafti ay Hogaaminayeen Guddomiyaha Komishanka Tamarta JSL Mudane Cabdi Cige Axmed (Good) iyo Guddomiye ku xigeenka Komishanka Tamarta JSL Mudane Eid Saleeban Cali oo ay wehelinayeen komishaneer Eng Siciid C/raxman Maxamed , Agaasimaha waaxda Tamarta Eng Khadar Maxamuud Guuleed iyo qaar kamida Engineerada Komishanka ayaa safar shaqo ku tegay Magaalooyinka Cadaadlay iyo Lafaruug.Safar kaasi oo ujeedadiisu ahayd ukuurgalida xaalada koronto ee magaalooyinkaasi, inti ay ku jireen Safar kaasi waxa ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyaga oo ka waraystay arimaha korontada, dhagaystayna wixii bulshadu cabasho qabtay.
sidoo kale Mas'uuliyiinta kala duwan waxa ay soo kormeereen laymanka korontada ee magaaloyinka, Iyaga oo la kulmay shirkadaha ka hawl gala magaaloyinka isla markaana waydiiyay su,aalo la xidhiidha shaqadooda iyo wax kaqabashada cabashooyinka ay bulshadu qabto iyo sixitaanka wixii farsamo ah, Kuna dhiiri galiyay wixii wanagaan ee ay qabteen.
