Mas'uuliyiinta Komishanka Nidaaminta Korontada JSL oo Ka warramay Xaaladdi Koronto la'aanta ee magalaada Berbera.
Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Iid Saleeban Cumar oo ay weheliyaan Komishaneer Bashiir Cumar Geelle iyo Agaasimaha waaxda Tamarta Eng Khadar Maxamuud Guuleed ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.
Kulan kaasi oo ka qabsoomay Xafiiska Guddomiyaha Gobolka Saaxil Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid).
ayaa waxa sido kale joogay mas'uuliyiin kala duwan oo ka socday Shirkada Korontada ee magaalada Berbera iyo Mas'uuliyiinta Keydka Haamaha Shidaalka ee Qaranka JSL.
Ujeedada Safar kaasi oo ahayd in Mas'uuliyiinta Komishanku U kuur galaan wixi sababay Dhacdadii shalay ka dhacday Magaalada Berbera ee Koronto la'aanta isla markaana in muddo ah ka maqnayd iyo sidi looga gaashaaman lahaa in ayna Dhacdadaasi oo kale mardambe soo noqon, Komishankuna waxa uu Shirkada Magaalada Berbera ku adkeeyey in aanay arrintaasi oo kale mar dambe dhicin.
Alla Mahad Leh
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War is Gaadhsiinta Ee KTS.