Komishanka Tamarta Qaranka Somaliland Ayaa maanta oo ay Taarikhdu tahay 05/Oct/2024 soo agaasimay kulan lagu dhaqan galinayay Xeer-nidaamiyeyaasha liisamada iyo Tacriifada korontada.
Komishanka Tamarta Qaranka Somaliland Ayaa maanta oo ay Taarikhdu tahay 05/Oct/2024 soo agaasimay kulan lagu dhaqan galinayay Xeer-nidaamiyeyaasha liisamada iyo Tacriifada korontada, Kulankani oo ka qabsoomay Assod hotel.
Waxaana Goob joog ka aha kulankani Gudoomiyaha Komishanka Tamarta JSL M.D Xasan Sheekh Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta M.D Maxamed Maxamuud Cabdi Malow , Xubno ka socday wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta, Masuuliyiinta ESWG iyo Masuuliyiin kale oo oo ka socday shirkadaha korontada dalka.