Kulan muhiim ah oo lagaga hadlayay Xal u helidda sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha laydhka ee dalka.
14-June-2025 Hargeisa
Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta Somaliland M.D Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) ayaa ka qayb galay kulan muhiim ah oo lagaga hadlayay Xal u helidda sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha laydha dalka oo dhan, si gaar ahna diiradda loogu saaray helitaanka shidaal jaban oo ay isticmaalaan shirkadaha bixiya adeegga tamarta.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska oo si gaar ah uga dhacay xarunta wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska, ayaa lagu falanqeeyay sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha laydhka dalka waxaana lagu lafa-guray saameynta ba’an ee uu ku leeyahay qiimaha shidaalka isbeddelka siyaasadeed iyo amni ee ka jira caalamka, gaar ahaan dagaallada kasoo cusboonaaday Bariga Dhexe, kuwaas oo si toos ah u saameeyay suuqyada shidaalka ee dunida.
Kulanka waxa ka soo qayb galay:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha , Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha, Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera
Qodobada muhiimka ah ee lagu lafa-guray kulanka waxaa ka mid ahaa:
• Xal u helidda sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha laydhka ee dalka oo dhan, iyadoo lagu talo jiro in la dhiirrigeliyo isticmaalka tamar nadiif ah iyo hoos u dhigista kharashaadka ay shirkaduhu ku bixiyaan shidaalka..
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada xukuumadda Somaliland ay ugu jirto xakamaynta sicir-bararka ku yimaadda adeegyada tamarta, korna loogu qaadayo helitaanka adeeg tamar oo jaban, tayo leh, oo waafaqsan baahiyaha bulshada.
Gabogabadii shirka, waxa la isla qaatay in la dhiso guddi farsamo oo soo diraasaysa siyaabaha wax looga qabankaro ilaalinta qiimaha shidaalka iyo helista adeeg tamareed oo jaban.
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Warbaahinta ee KTS