Kulan ku saabsanaa Horumarinta Tamarta Korontada Hargaysa ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL kulankani oo Masuuliyiinta Shirkadaha Korontada Magaalada Hargeysa.
Gudoomiyaha Komishanka Tamarta JSL M.D Xasan Sh. Maxamuud oo uu wehelinayo Agaasimaha guud ee Komishanka Tamarta M.d Maxamed Maxamuud Cabdi, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta M.D Maxamed cismaan Siciid, madaxda iyo Saraakiisha Mashruuca Bangiga Adduunka, ayaa maanta kulan la yeeshay Saraakiisha iyo Madaxda shirkadaha korontada Hargaysa kulankani oo uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta M.D Cabdilaahi Faarax Cabdi.
Ujeedadda kulankani oo ahayd Kulan ku saabsanaa Horumarinta Tamarta Korontada Hargaysa.
Iyadoo Magaalada Hargeysa loo dhisaayo shabakadda gudbinta korontada sidoo kalena qaybinta korontada distribution system aad loo horumarin doono si loo gaadho hiigsiga Qaranka ee helitaanka Korontada loo baahan yahay isla markaana la awoodi karo.