Kulanka 2aad ee Wada-tashiga Daneeyayaasha Aagga Tamarta Somaliland.

(June-21-2025) – Agaasimayaasha Guud ee Komishanka Tamarta Somaliland Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa saaka si wada jir ah u furay kulanka Labaad ee Wada-tashiga Daneeyayaasha Aagga Tamarta Somaliland kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Madasha Kulanka Aagga Tamarta ee loo yaqaano Energy Sector Working Group (ESWG) kaasi oo ka qabsoomay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
 
Ujeedada kulankaasi ayaa daarnayd wada-tashiga daneeyayaasha Aagga Tamarta Somaliland kaasi oo lagu soo bandhigay sidoo Kalena looga dooday Horumarka iyo Caqabadaha Aagga Tamarta Somaliland, iyada oo la dul istaagay Qorshayaasha Dhow, kuwa Dhexe iyo kuwa Fog ee Aaga Tamarta Somaliland. 
 
Sidoo kale intii uu socday kulankaasi waxa diirada lagu saaray halka uu maraayo Xeerka Tamarta , Siyaasadda Tamarta ,Istaraatijiyadda Tamarta, Xeer-Nidaamiyayaasha Horumarinta Aagga Tamarta iyo Halka uu maraayo Mashruuca Dib u Soo Kabasahda Korontada Somaliland.
 
Geesta kale Komishanka Iyo Wasaaraddu waxay soo bandhigeen Habraaca Qabyo Qoraalkaa Nidaamka Dab Galinta Dhismayaasha kaasi oo ay si fiican uga doodeen daneeyayaasha Aagga Tamarta Somaliland.Sidoo kale Koomishanka Tamarta Somaliland ayaa soo bandhigay bandhigay tilmaamaha hawl qabad ee cilmi-baadhista qiimo dhimista korontada Somaliland.
 
Gabogabadii kulanka waxa la isla qaatay in daneeyayaasha Aagga Tamarta Somaliland ay fuliyaan Qorshayaasha Dhow, Kuwa Dhexe iyo Kuwa Fog ee Aagga Tamarta Somaliland iyaga oo Wasaaradda iyo Koomishankuna ku korjoogtayn doonaan si bulsahda Somaliland u Hesho Koronto Jaban, Badqabta , La isku Halayn karo isla markaana ka timaada illo nadiifa.
 
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Warbaahinta ee KTS.