Kulanka Wadaagayaasha Aagga Tamarta (Joint Energy Sector Review Meeting).
27-04-2026 Isniin
Hotel Maansoor, Hargaysa.
Mas'uuliyiin uu u horeeyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta &Macdanta Mudane eng Axmed Jaamac Barre, Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Cabdi Cige Axmed oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Mudane Iid saleeban Cali, Xubnaha Guddida Nidaaminta Korontada JSL, Agaasimaha Guud ee Komishanka Mudane Eng. Maxamed Axmed ibraahim (Arnab), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud, Guddoomiyaha Ha'aayadda Dhawrista tayada Mudane Maxamed Kayse Axmed iyo xidhiidhiyaha Wadaagaha Tamarta Somaliland Mudane, Eng. Axmed Cali Ubaxle, Ayaa saaka Magaaladda Hargaysa ka Furay Kulanka Wadaagayaasha Aagga Tamarta (Joint Energy Sector Review Meeting).
Kulan kaasi oo ka socon doona muddo 2 cisho ah Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeisa.
Muddo daasi labada maalmood ah waxay wadaagayaasha Aagga Tamarta Somaliland wadaagi doonaan:
i. Horumarka laga sameeyay Aagga Tamarta
ii. Caqabadaha Jira
iii. Iyo sidii loo samayn lahaa hannaan midaysan oo lagaga gudbo caqabadahaasi jira.
Geesta kale waxa jira iyaguna horumar laga sameeyay Aagga tamarta, oo ay ka mid yihiin:
1. Korodhka helitaanka adeegyada korontada
2. Diyaarinta iyo Horumarinta Xeerarka, siyaasadaha iyo Istiraatiijiyaddaha hagaya Aagga Tamarta
3. Xoojinta wada shaqaynta daneeyayaaaha Aagga Tamarta.
???????????????????? ???????????????????? ????????????.
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha & War is Gaadhsiinta ee KTS