Maalinta 2aad ee Kulanka Wadaagayaasha Aagga Tamarta (Joint Energy Sector Review Meeting).
Agaasimaha Guud Ee Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Eng Maxamed Axmed Ibraahim(Arnab) ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay April 28, 2026, si rasmi ah u furay Maalinta 2aad ee Kulanka Wadaagayaasha Aagga Tamarta (Joint Energy Sector Review Meeting) oo ay soo qabanqaabiyeen (Energy Sector Working Group ESWG)
Kulankan ayaa maalintii 2aad diiradda lagu saaray:
1: Dib u eegista horumarka SEC
2: Hagaajinta nidaamka Metering & Billing Regulation
3: Soo bandhigista Energy Metering Guidelines
4: Iyo Qalabka casriga ah ee Tariff Settlement Tools
Intii uu socday kulankani, waxaa iyagana qaybtooda aragtida, Fikradaha iyo Su'aalaha lasiiyey ka qaybgalayaasha oo la wadagay Mas'uuliyiinta aragtiyo qiimo leh iyo fikrado wax dhisaya, si loo xoojiyo fahamka iyo wada shaqeynta.
Ugu Dambayntiina Guddoomiye ku Xigeenka Komishanka Nidaaminta Korontada JSL Mudane Iid Saleeban Cali iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda tamarta & Macdanta M.D Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa soo xidhay Kulanka Wadaagayaasha Aagga Tamarta (Joint Energy Sector Review Meeting)
Kulankani oo ahaa mid midho dhal ah, wuxu xoojinayaa dadaallada lagu horumarinayo Tamarta dalka oo dhan.
Allaa Mahad Leh
ABDIFATAH KAARTO
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Iyo War is gaadhsiinta Ee KTS.