Qandaraaska Shirkadaha soo dalbaday Koronto-balaadhinta Magaaladda Borama.
(June 14,2025)
Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre oo ay wehelinayaan Agaasimayaasha Guud ee Komishanka Tamarta Qaranka iyo Wasaaradda tamarta iyo macdanta Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) iyo Mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa furay Qandaraaska Shirkadaha soo dalbaday Koronto-balaadhinta Magaaladda Borama , Xafladdaasi oo ka qabsoontay Xafiiska unnuga fulinaaya Mashruuca Dib u Soo Kabashada Korontada Somaliland (SESRP).
Ugu horayn waxa ujeedada xafalada ka warbixiyay Madaxa Mashruuca Dib u Soo Kabashada Korontada Somaliland Md. Cabdifataax Cumar Cabdilaahi.
Geesta Kale Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta Somaliland Md. Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) ayaa xusay in ay komishan ahaan ku faraxsan yihiin in ay Goobjoog ka ahdaan furitaanka qandaraaska Shirkadaha soo dalbaday koronto-balaadhinta Magaalada Borama.
Geesta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay xafladda isaga oo carabka ku adkeeyay in qiimaynta iyo kalasaarida shirkadaha soo dalbaday koronto-balaadhinta Borama ay u dhici doonto hanaan daah furan oo cadaalad ah si loo gaadho ujeedada Mashruuca oo ah in la helo koronto jaban , badqabta , la isku halayn karo isla markaana ka timaada ilo nadiifa.
Gabogabadii Xafladda waxa si rasmi ah u soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre isaga oo xusay in Gudida qiimaynta uu dhaariyay si loo adkeeyo Daah furnaanta , isla xisaabtanka iyo Cadaaladda iyada oo la raacaayo Siyaasaddaha iyo Shuruucda Wasaaradda. Sidoo kalena waxa uu u mahadnaqay dhamaan shirkadaha soo dalbday qandaraaska koronto-balaadhinta Borama ,isaga oo u rajeeyay Guul.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee KTS