Wareegtadda Fulinta Qiimo dhimista Korontada Magaalooyinka Borama iyo Gebilay.
Guddoomiyaha Komishanka Tamarta M.D Xasan Sheekh Maxamuud Suufi isaga oo fulinaya amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee ku saabsanaa qiimo-dhimista korontadda magaalooyinka Borama iyo Gabiley, haddaba Waxa uu maanta Komishanka Tamartu soo saaray wareegto fulin ah.
Wareegtadani waxay caddaynaysaa in qiimaha halkii Kwh aanu ka badan karin qiimaha &0.59 cents bisha November, sida ku cad Wareegtadan fulinta ah.
Sidaa daraadeed, shirkadaha korontadda waxa la farayaa inay si buuxda u fuliyaan go'aankan, halka shacabka Borama iyo Gabiley lagu wargelinayo in aan laga qaadi karin biil koronto oo ka sarreeya qiimaha uu amray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee KTS.